Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah ay taariikhdu ku beegan tahay 29-ka bisha Octoober Sanadka 2018 waxa ay kulan ku yeelanayaan xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa ah codeyn ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
Xildhibaanada ayaa Maalinta Sabtida aheyd ee la soo dhaafay waxa ka hadleen Saddex ajande oo kala ahaa.
1. Dhameystirka dooda aqrinta labaad ee hindise sharcyeedka golaha mihnadlayaasha caafimaadka qaranka.
2. Aqrinta labaad ee hindise sharciyeedka wax ka badalka sharciga siyaasada maareynta maaliyadda dalka ( PFM).
3. Qeybinta xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.
Maanta Isniin ah ayaa Xildhibaanada lagu wargeliyay in Kulanka Baarlamaanka uu jiro’isla markaana ay ka soo qeyn galaan.
Xidlhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah oo ay ka doodi doonaan si ay u ansixiyaan inta lagu guda jiro Kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka.