Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa haatan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho uga socda Kulanki 2aad ee Kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyaha ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabduweli Ibrahim Muudey iyo Guddomiye ku Xigeenka 2aad ee Golaha Mudane Mahad Cabdallada Cawad,waxaana uu kooramka ku furmay 143 Mudane.
Ugu Horreyntii Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Cod u Qaaday Xubinimada Guddiga Madax banaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane (Aadan Cabdinaasir Maxamed),waxaana u Codeysey 143 Xildhiban, majirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.
Ajendayaasha kulanka Maanta ayaa kala ah
U Codeyn Ansixintanta Xubin Magacaaban Guddiga Madax Banaan Doorashoyinka Qaranka
Akhrinta 2aad Hindise Sharciyeedka Dakhliga
Qeybinta Axdiga Ilaalinta Hanti-dhaqameedka Xilliyada Colada