Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Askari Maanta Dil geystay

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug ayaa gacanta kusoo dhigay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka oo Duhurnimadii Masanta halkaas si bareer ugu dilay qof shacab oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ee ku sugan halkaas ayaa sheegay in Askariga dilka geystay lasoo qabtay, kadib markii uu baxsaday falka kadib, isagoo laga soo qabtay gudaha Magaalada oo uu ku dhuumaaleysanayey.

Dad ku sugan Dhuusamareeb ayaa Idaacadda Dalsan waxaa u sheegeen in dilka loo geystay qofka shacabka ahaa uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Xarunta Xaafada waaberi, waxaana dilkaas uu ka dambeeyay, kadib markii Marxuuma iyo Askariga uu soo kala dhex-galay muran kooban.

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ayaa waxaa horey uga dhacay dilal ay geysteen Askar ka tirsan Ciidanka dowladda oo falka kadib baxsaday, hayeeshee markii dambe lasoo qabtay lana horgeeyay sharciga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media