Xildhibaanada G/Shacabka oo Maanta kulan ka yeelanaya Mooshinka Doorashada

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa la filayaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ka doodista Mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka, sida lagu shaaciyay qoraal kasoo baxay Guddoonka Golaha Shacabka, loona diray Xildhibaanada.

Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd lagu wargeliyay inuu Maanta jiro kulanka Golaha, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaanka kulankaas, si looga doodo Ajendaha horyaalla.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa ka maqnaan doona 15-Xildhibaan oo Guddoomiyaha Golaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu ka ganaaxay fadhiyada Baarlamaanka, kadib markii lagu eedeeyay inay fowdo ka sameeyeen Xarunta Golaha.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in kulanka uu ka bilowdo Xarunta Villa Hargeysa, waxaana qaar kamid ah Xildhibaanada ay sheegeen in Guddoonka uu doonayo in muddo kordhin uu u sameeyo hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday.

Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa ka horyimid qorshaha lagu doonayo in muddo kordhin loogu sameeyay Baarlamaanka iyo Farmaajo, iyagoo ka digay tallaabadaas oo ay ku tilmaameen mid dalka uga sii dari karta xaaladda Cakiran ee uu ku jiro.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor