Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa lagu dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland,kuwaasi oo shalay gelinkii dambe lagu dhawaaqay.
Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Xarunta Baarlamaanka maamulkaasi waxa ay ku dhaarisay 66 Xildhibaan,kuwaasi oo laga soo xulay deegaanada Puntland,isla markaana noqoya xubnaha cusub ee Golaha wakiiladda Puntland,iyagoona shaqeyn doona 2019 ilaa iyo 2023.
Xildhibaanadan cusub ee Maanta la dhaariyay ayaa maalmaha soo socda waxa ay soo dooran doonaan Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Puntland,kadibna waxa dooran doonaan Madaxweynaha cusub ee Puntland hogaamin doona 5 sano ee soo socota.
Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa la filayaa inay ka dhacdo 8-da bishan,waxaana ku tartamaya Musharixiin badan oo gaaraya ilaa iyo 29 Musharax.