Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyey xeer muhiim

Xildhibaanada Golaha Wakiillada dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku yeeshay kulankii 7-aad  ee Kalfadhiga 48-aad ee Golaha oo uu guddoomiyay Guddoomiye Cabdiirashid Yuusuf Jibriil.

Ajanadaha kulanka ayaa ahaa ka doodista Hindise Xeereedka Xarunta Maareynta Xogaha Khayraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland oo Goluhu ku sameynayey akhriska seddexaad ka dib markii Guddiga Dhawrista Deegaanka iyo Khayraadka Dabiiciga ahi ku sameeyeen wax-ka-bedel iyo kaabis, iyagoo Golaha la wadaagay warbixintooda la xiriirta hindise xeereedkan.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa qodob-qodob uga doodey, una ansixiyey si waafaqsan qodobka 70-aad ee Dastuurka Puntland, waxaana kulankii Maanta goobjoog ka ahaa 49 Mudane.

Ugu dambeyn,  Golaha Wakiillada Puntland wuxuu maanta  Cod aqlabiyad leh ku ansixiyey Xeerka  Xarunta Maareynta Xogaha Kheyraadka Biyaha iyo Dhulka Puntland, waxaana oggolaaday 48 Xildhibaan, diidmo ma jirin, waxaana ka aamusay hal mudane.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor