Dalays Xasan Aadan oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in loo diiday inay safar uga ambabaxdo Garoonka diyaaradaha Aadan Caddde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka amniga Garoonka ayaa la sheegay inay is hor istaag ay ku sameeyeen Xildhibaanada xili ay dooneysay inay Safar ugu ambabaxdo Gobolka Gedo oo deegaan doorasheedu tahay Gobolkaas.
Xildhibaan Mahad Salaad oo kamida Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Maanta is hor istaag lagu sameeyay Xildhibaanad Dalays Xasan Aadan oo kamid ah Baarlamaanka, isla markaana loo diiday inay ka baxdo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
“Xildhibaan Dalays Xasan Adan oo katirsan Golaha Shacabka oo safar u ahayd deegaan doorashada ay ka soo jeedo ee Gobolka GEDO ayaa maanta waxaa is hortaag ku sameeyay Hay’adda Nabad Sugida Qaranka (NISA) waxaana loo diiday in ay ka dhoofto airport magaalada Mogadishu” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Ilaa iyo hada lama oga sababta ka dambeysay in Xildhibaanad Dalays Xasan Aadan loo diido inay ka baxsado Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Garoonka.