Xildhibaan Cabdirshiid Maxamed Xidig oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in awooda dowladda ay koobantahay, marka la’eego arinta federaalka ee maamul goboleedyada, oo uu tilmaamay in aoowda baarlamaanka iyo dowldda dhexe eysan gaareyn Degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ay kala maamulaan, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, balse kaliya aoowda dowladda ay ku siman tahay G/banaadir.
Xildhibaanka ayaa si aad ah kaga hadlay arintaan oo uu  ka hor sheegay baarlamaanka, kuna taliyey in aan lagu mashquulin Mooshin iyo wax lamid ah ee laga fakiraa awooda baarlamaanka halka ay gaarsiisantahay.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.