Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa sheegay in Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu Guddi Xildhibaano ah u sheegay inuu fashilmay heshiiskii 17 September ee doorashada.
Xildhibaan Mahad Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu sheegay in Guddi Xildhibaano oo ka tirsan Golaha Shacabka ay u tageen Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh inta Maanta uusan soo gelin hoolka shirarka Golaha Shacabka.
Mahad Salaad ayaa tilmaamay in Mursal uu Guddiga Xildhibaanada ah u sheegay in muddo  kordhin inuu u samaynayo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Sidoo kale Mursal ayaa Guddiga u sheegay in Ciidamada xarunta Golaha Shacabka la keenay ee dharcadka ah uu isagu dalbaday, isla markaana la qorsheynayo in lasoo badiyo Ciidankaas.
Kulankii Maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa lagu kala tegay, kaddib markii furitaanki shirka ay is hortaageen qaar ka mid ah Xildhibaannada Mucaaradka oo diiday in shirka furmo.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Cudurka halista ah ee COVID-19, hayeeshee qaar kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegaya in kulanka lagu wato qorshe muddo kordhin loogu sameeynayo Hay’addaha dowladda iyo Madaxweynaha.