Xildhibaanadda Barlamaanka dalkaasi waxay Guddoomiyaha cusub u doorteen Suleymaan Shiniin, wuxuuna xilka kala wareegayaa Guddoomiyihii iska casilay xilkaasi oo lagu magacaabo Micaad Buu Shaarab.
Khudbad uu ka jeediyey Barlamaanka waxa uu ugu baaqay Shacabka inay u midoobaan sidii looga bixi lahaa xaalladda haatan ka taagan dalkaasi, wuxuuna soo dhaweeyey Mowqifka Milliteriga ee lagula dagaalamayo Musuqmaasaqa.
Suleymaan Shiniin oo madax ka ah Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Dhismaha Algeria waxa uu hoggaamiyaa Kudlad Xildhibaano ka kala socda Xisbiyadda Alnahda iyo Al-cadaala.
Dhinaca kale, Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Algeria waxa u uis-casilay bishan July 2-dii, kadib, markii uu cadaadis kala kulmay Dibadbaxayaal iyo Siyaasiyiin, si uu xilka uga dego.
Taliyaha Guud ee Milliteriga dalkaasi, Jeneral Gaa’id Salaax waxa uu wacad ku maray in dacwad lagu soo oogayo dhamaan Saraakiisha Dowladii hore ee lagu tuhunsan yahay inay ku kaceen musuq .
Labo Ra’isul-wasaarayaal horey uga soo noqday dalkaasi, Axmed Aw Yaxya iyo C/maalik Sellal ayaa xiran, kuwaasi oo lagu eedeynayo falal musuq ah..
Sida laga soo xigtay Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Dhismaha Algeria ee dalkaasi, Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka, Suleymaan Shiniin waa Qoraa, Saxafi iyo xubin ka tirsan Ururka Barlamaanadda Al-qudus, waana mid ka mid ah Asaasayaashii Ururka Guud ee madaxa bannaan ee Ardayda dalka Algeria ( the Free General Union of Students in Algeria (GNFR).
Qoraal la soo dhigay Barta Facebook ee Xisbiga Dhaqdhaqaaqa Qaran ee Dhismaha Algeria waxaa lagu sheegay inuu Sulaymaan Sheniin qeyb ka ahaa dhaqdhaqaaqa Dibadbaxyadda ka socda dalkaasi tan iyo markii ay Dibadbaxyadaasi bilowdeen bishii Feberaayo 22-dii ee sannadkan.
Bishii la soo dhaafay, waxaa dib loo dhigay Doorashadda Madaxweynenimadda ee dalkaasi oo dhici lahayd bishan July 4-dii, kadib, markii labada Murashaxa ee keliya ee isku taagay doorashadaasi laga mamnuucay inay xilkaasi qabtaan.
Lama sheegin taariikhda la qaban doono Cod-bixinta doorashada lagu dooranayo Madaxweynaha cusub ee dalka Algeria.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay Taariikhda Barlamaanka Algeria oo Xildhibaan Mucaarad ah loo doorto Guddoomiyaha Barlam