Xildhibaan Cusub oo kusoo baxay doorashada Kursigii dhawaan uu banneeyay Mahad Salaad

Ilyaas Sheikh Axmed Ibraahim ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga #Hop147 ee deegaan Doorashadiisu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug isagoo kaga Guuleystay Musharrax Aamino Tahliil Warsame oo la tartantay.

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11aad ee JFS ayaa doorashada Kursigaan maanta ku qabtay Magaalada Dhuusamareeb iyadoo ay ka qeyb galeen Munaasabadda Masuuliyiin Heer Federaal iyo Heer dowlad goboleed ah.

Kursiga #Hop147 waxaa baneeyay  Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor