Xiisad saakay ka taagan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Wararka idaacada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso degmada Jala-laqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay halkaas ay ka taagantahay xiisad ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay taliyaha booliiska degmadaas.

Xiisadaan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Muxumud Caraale uu shaqa joojin ku sameeyay taliyaha saldhiga,kadib markii ay isku dhaceen ciidamada booliiska oo isaga ka amar qaata iyo ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Taliyaha ayaa ka hor yimid xilka-qaditaas isaga oo amray ciidamada in ay gutaan shaqooyinkooda cid aan taliyaha booliiska gobolka aheyna aysan shaqo joojin ku sameyn Karin isaga.

Dhinaca kalana guddoomiyaha gobolka Hiiran oo shalay gaaray Jalalaqsi ayaa dib ugu laabtay magaalada Beledweyn kadib markii uu ku guul dareystay in uu xaliyo xiisadii u dhaxeysay ciidamada Jabuuti iyo kuwa booliiska Hirshabelle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media