Faah faahin ka soo baxaysa qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxaan oo ahaa mid gaari ayaa 9:30-daqiiqo oo xalay ah waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaanna Isgooyska Albaraka halkaas oo uu ku geeriyooday qofkii watay gaarigaaas.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu xiray gaariga isla markaana loogu xiray in ganacsada ahaa qaraxana uu qabsaday xili uu marayay nawaaxiga Isgoyska Albaraka.

Ganacsadaha oo magaciisa lagu sheegay C/llaahi Neero ayaa ku geeriyooday qaraxaas loogu xiray gaarigiisa iyada oo goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa booliiska oo aan ka ag fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay.

Allaha u Naxariistee ganacsade C/llaahi Neero waxa uu ka ganacsan jiray Qudaarta sida ku soo degta Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiijiyeen eheladiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media