Maalmihii la soo dhaafay waxaa xiisad colaadeed oo u dhaxeysay laba beelood ay ka taagneyd deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,waxaana lagu soo warayamayaa in xiisadaas qeyb ka mid ah xal laga gaarey.
Deegaanka kalabeyr ee degmada Bursaalax ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ka dhacay dilal aanooyin qabiil,waxaana halkaasi gaarey Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada Bursaalax,Culumadiin iyo madax kale si xal looga gaaro xiisadaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Mudug Puntland ayaa waxa ay sheegeen in xiisadaas loo xirey 10 Oday dhaqameed oo kasoo kala Jeeda Beelaha walaalaha ah ee dhawaan dagaalku ku dhexmaray degmada Bursaalax ee gobolka Mudug.
Sababta loo xirey Odayaasha ayaa waxaa lagu sheegay in ay diideen in ay Maamulka kusoo wareejiyaan gacan ku dhiiglayaal dilal geystay oo labada dhinac ka soo kala keeda,kuwaas oo loogu baaqay in ay ka qeyb qaataan xalinta xiisadaas.