Waxaa xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo saakey Waaberigii laga maqlay madaafiic ay isweeydaar sanayeen Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Saakay Waaberigii ay dadka tirada yare ee ku haray deegaanka Tukaraq waxa ay ku waabariisteen jugta culus madaafiicda ay isku-ridayeen labada Ciidan ee halkaasi weli iskuhor-fadhiya.
Dinaca kale Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in labada Maamul ay deegaanka Tukaraq geeyeen Ciidamo hor leh oo ka kala yimid magaalooyinka Qardho iyo Laas-caanood oo ay kala maamulaan Puntland iyo Soomaaliland.
“Walaal xaaladu waa ay degan tahay laakin saakay ayaa xoogaa dhaceyn mar walbana weey dhacaan,runtii khasaaro macadeyn karo laakin hadda dagaal majiro ,anaga mar walba cabsi ayaan iska qabnaa waayo waxaan nahay shacab aan aqoon meel ay aadaan ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka Tukaraq.
Xiisadaha dagaal ee ka taagan deegaanka Tukaraq ayaanan weli loo helin wax xal ah,waxaana madaxda labada maamul ay Warbaahinta isku-marsiinayaan hadal sii huriyey colaada Tukaraq.