Xiisad Caawa ka taagan degmada Matabaan iyadoo laga cabsi qabo in uu dagaal dhaco

Wararka aan Caawa ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad dagaal ay Caawa ka taagan taahy tuulooyin hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ku waas oo Saacadihii la soo dhaafay ay dagaalo ka dhacayeen.

Maanta ayaa waxaa dagaal u dhaxeeyo laba maleeshiyoo Beelood waxa uu ka dhacay deegaanka Baanyaaley  ee duleedka degamda Matabaan ee gobolka hiiraan,kaas oo geestay khasaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen dad gaaraya ku dhawaad 20 ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay ku waas oo kala ahaa Maleeshiyadkii wada dagaalamay iyo dad rayid ah oo degan goobihii lagu dagaalamayay.

Wararkii ugu dambeeyay ee Caawa na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa xiisadii dagaal weli halkaasi laga dareemayo islamarkaana labadii maleeshiyo beeleed ay weli ishor fadhiyaan.

Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Xasan Cali kheyre,ayaa Caawa ugu baaqay Maleeshiyaadka labada dhinac in ay dagaalkaas si deg deg ah ku joojiyaan.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media