Xasan Cali Kheyre oo lagu eedeynayo inuu ka dambeeyey Lacagihii Somaliland laga xanibay

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyre inuu ka dambeeyey lacagaha laga xanibay Somaliland.

” Khayre oo musharax madaxweyne ahi waxuu ahaa ninkii joojiyey Lacagaha Somaliland ..” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Lacagtan ayaa aheyd mid loogu talagalay  Covid19 Somaliland loogu taageero.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo lacagta fasaxay ayaa u muuqda inuu taageero ku helay atrintan, kadib markii uu u soo mahadceliyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Si kastaba, Lacagtan ayaa ugu dambeyntii noqotay mid ku dhacda Sanduuqa Gurmadka Suuqa Waaheen, kaasi oo ah Sanduuqa lagu taakuleynayo dadkii ay ganacsiyadoodu ku burbureen dabkii ka kacay Suuqaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor