“Xarunta Elman dhalinyaro ka soo baxsatay ayaan mar kale dagaal ku qabanay sidaas darteed sina uma aamini karno xaruntaas ” MK Puntland Cameey

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakin Xaaji Cumar (Cameey) ayaa ka hadlay halka ay ku dambeeyaan dhalinyaradii ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay ku qabteen dagaalkii ay kula galeen degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Nugaal.

Mudane Cameey,ayaa sheegay in dhalinyaradaas qaarkood ay ku wareejiyeen Xarunta Dhaqancelinta  taas oo Elman,balse la siidaayay islamarkaana hada ay maqan yihiin halka qaarkood markale ay qabteen ama Gacanta ku dhigeen iyagoo la dagaalamaya.

Waxa kaloo hadalkiisa intaas ku daray in xiligaan wixii ka dambeeya ay noqoneyso in ay iyaga dhulkooda ku hayaan islamarkaana aaney u dirin markale Xarunta Dhaqancelinta Elman ayna ku qasban yihiin in ay deegaanadood ku dhaqan celiyaan.

Hadalkaan ayaa Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Cameey) waxa uu sheegay kulan uu Maanta Magaalada Garoowe kula qaatay masuuliyiin dhanka Xaquuqul Insaanka u qaabilsan  Qaramada Midoobay.

Hoos  Ka Dhageyso Codka

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media