Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet ayaa sheegay inay heleen Digniino sheegay inay suurtogal tahay inay Alshabaab weeraro ka geystaan magaaalladda Nairobi iyo Goballadda W/bari iyo Xeebta ee Kenya.
Waxa uu intaasi ku daray inay Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay xuduudka ka soo gudbaan marka ay bilowdaan Roobabka รขโฌลEl Nino rainsรขโฌย, si ay wejiga koowaad ee Weerarkooda uga geystaan Goballadda W/bari iyo Xeebta iyo Nairobi.
Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinnet waxa uu ugu baaqayรย in heegan la geyliyey Hayรขโฌโขaddaha Ammaanka, si ay uga hortagaan weeraradda Alshabaab.
Waxa uu ugu baaqday Dadweynaha Kenya inay si dhow ula shaqeeyaan Hayรขโฌโขaddaha Ammaanka ee Dowladda iyo kuwa Shirkadaha Ammaanka ee gaarka loo leeyahay.
Digniintaasi ayaa timid, kadib, markii ay Hayรขโฌโขaddaha Ammaanka Kenya soo bandhigeen magacyadda iyo sawiradda Muwaadiniin Kenyaan ka tirsan Alshabaab oo laga cabsi qabo inay weeraro iyo Is-qarxin ka geystaan Nairobi.
Dadkaas la soo bandhigay magacyadooda iyo sawiradooda ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Omar Patroba Juma, Omar Cuweyti, Ramadan Kiyooko, Anwar Yogan Mawok iyo haweeney lagu magacaabo Shamiin Wanjiru Hussien.
รยฉ Radio Dalsan
รย
รย