“Wsiir Beyle” Xiriirka Aan La Leenahay Qadar Waa Mid Sii Xoogeesanaya ( SAWIRO )

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doox, ayaa kulmo La Qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Cali Shariif Al-Emadi, Waxa Ayna ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid Wada shaqaynta Laba Wasaaaradood Iyo Hormarinta Dhaqaalaha Soomaaliya.

Dr Beyle, ayaa sheegay in dhigiisa ay ka wada Xaajoodeen qodobo ay kamid yihiin Xiriirka Qotada Dheer ee Soomaaliya iyo Qadar ka dhaxeeya, isaggoo Tilmaamay in Qadar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda  maaliyadda Dalalka Islaamka oo magaaladda Dooxa lagu qabtay.

“waxaan Maanta la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyadda Wadanka Qadar Mudane Ali Shariiff Al–Emadi oo aan ka Wada Xaajoonay  xiriirka Qotada dheer ee Soomaaliya iyo Qatar Ka Dhexeeya dhinaca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Wasaradaha Maaliyadda Islaamka ee lagu qabtey Dooxa” ayuu yiri Dr Beyle.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media