Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Wasaradda Tamarta iyo Khyradka Biyaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Mohamed Sheikh ayaa Maanta soo gaartey Magaalada Baydhabo.
Wefdigaan Waxana garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweyay Wasiiro ,Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya, odayaasha Dhaqanka ,Ururada Bulshada qeyba hooda kala duwan iyo Mas’uliyiin ka Tirsan Dowlad Goboleedka Koonfurgalbeed.
Inta ay ku suganyihiin Baydhabo ayaa waxaa kulamo kala duwan ay la qaadan doonaan madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo xubnaha kala duwan ee maamulkaas.