Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaadday in ay baaritaan ku heyso dhiig dad u dhashay Kenya ay yabooheen hase’ahaate markii dambe si sharci darro ah looga Iibiyay Soomaaliya.
Wasiirka Caafimaadka Kenya Mutahi Kagw oo wareysi siiyay Talafashinka Citizen TV waxa ay sheegtay in ay soo gaartay xogta sheegeysa in dhiig laga xaday Kenya laga iibiyay Soomaaliya baaritaano kala duwana oo la xiriira arintaasna ay socdaan.
Dhinaca kalana Hay’adda Dambi baarista Kenya ee magaceeda loosoo gaabiyo DCI ayaa sheegtay in ay ku howlantahay dabagalka shaqsiyaad la sheegay in ay dhiig ay yabooheen dadka Kenyaanka ah si sharci darro ah looga iibiyay Soomaaliya wixii kasoo baxayna ay la wadaagi doonaan ciidda ay quseyso.
Wasiirka Caafimaadka Kenya Waxaa uu tilmaamay in maalin ka hor ay soo gaartay arrintaas islamarkaana hay’adda dambi baarista ay soo gaarsiisay nuqul ka mid ah koobiga kiiska ay dabagalka ku heyso welina uu socda baaritaanku.
Hay’adda dambi baarista Kenya ee DCI iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa labaduba sheegay in ay tuhmayaan in arrintan ay ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan Bangiga dhiigga ee Kenya.
Sanadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii lagu dhawaaqay in dhiigyari ka jirto Bangiga dhiigga Kenya loona baahanyahay in Muwaaddiniinta ay dhiig yaboohaan waxaana yaboohaas loo malaynayaa in uu la xiriiro kiiskaan.