Wefdi hordhac u ah safarka Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa waxaa sacadihii lasoo dhaafay gaaray wefdi ballaaran oo hordhac u ah safarka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo uu ku tegayo magaalada Dhuusamareeb.

Wefdiga gaaray magaalada Dhusmareeb ayaa waxa ay ka koobanyihiin masuuliyiin ka socday xafiiska madaxweynaha iyo Ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada ee koofiya casta kuwaas oo xaqiijinaya amniga ka hor inta uusan madaxweynuhu tegin halkaas.

U jeedada safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa salka ku heysa baaqii madaxda dowlad gobaleedyada ee ku aaddanaa in madaxda dowladda fedraalku ay kasoo qeyb galaan wejiga labaad ee Shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka isla markaana ay yeesheen madaxda maamul gobaleedyada.

Dhinaca kalana madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb,iyada oo sidaas oo kalana magaalada ay soo gaari doonaan madaxweynayasha dowlad gobaleedyada iyo ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku wada sugan magaalada Garoowe.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media