weerar loo adeegsaday Bambo gacmeedyo ayaa waxaa caawa lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo fadhiisin kuleh aga-gaarka isgooska Farolensa ee dagmada Wardhiigley.
dad goobjoogayaal ah ayaa idaacada Dalsan waxa ay u’xaqiijiyeen dhacdadan aygoona sidoo kale sheegay in aan la’ogeen qasaaraha ka dhashay Bambo gacmedyada,walow goobta ay ka baxsadeen kooxdii weerarka geesatay.
dhanka kale sarkaal ka tirsan ciidanka nabadsugida xili uu watay gaari yar oo nuuca raaxada ah waxaa lagu weeraray xafada Carafaad ee dagmada Yaaqshid.
dadka deegaanka qaar kood ayaa Dalsan u sheegay koox wadatay gari in ay weerar toos ah ku qaadeen gaariga uu watay sarkaala iyo ilaaladiisa,in kastow iska caabin xoogan ay sameen sarkaala iyo ilaaladiisa waxaana la sheegay iska hor imaad kas in aysan jirin qasaaro ka dhashay.