Weerar lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo Maanta ka dhacay Galgaduud

Ciidanka Xoogga dalka iyo xooggaga xoreynta deegaanka ayaa saaka weerar culus ku qaaday fariisimo dagaalamayaasha Al-Shabaab ku lahaayeen tuulada Habar Gacalo oo hoostagta deegaanka Budbud oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka xoogga ee weerarka qaaday oo la hadlay warbaahinta dowladda u sheegay in weerarkaas uu ka dhashay khasaaro dhimasho oo la tilmaamay in la gaarsiiyay Shabaabkii joogay tuulada Habar Gacalo.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 9 ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo hadda wali uu howlgalka sii socdo.

Shalay ayey aheyd markii Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Jeneraal Cabdullaahi Caanood  uu ku dhawaaqay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaanka Budbud oo ay muddo ay ku sugnaayeen Shabaabka.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka ayaa howlgalo ka waday Gobolka Galgaduud, howlgalkaasi oo ka talaabay gobolka Shabeellada Dhexe, waxayna qorsheynayaan inay Shabaab kala wareegaan deegaano hor leh.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor