Weerar lagu dilay Askar badan oo saakay dhacay iyo kuwo la la’yahay

Saraakiisha dalkaasi waxay maanta xaqiijiyeen in maydadka 20 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda Hindiya la helay, halka 21 kalena lagu la’  yahay Nolol iyo Geeri.

Askartaasi ayaa la sheegay inay Ciiddanka dagaal kula galeen Kooxda Maawistaha Shuuciga ee Gooni-goosadka dhulka Hawdka ee Terram Jungles oo ku teedsan xuduudka Degmooyinka Bijapur iyo Skuma.

Saraakiisha Ciiddanka Hindiya waxay sheegeen inay 15 mayd saakaysto ka heleen goobtii lagu dagaalamay ee Gobalka Chhattisgarh Bastar.

Waxaa shalay la xaqiijiyey geerida 5 Askari iyo 30-dhaawac ah, iyadoo 21 kalena la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda.

Dhinaca kale, Ciiddanka Hindiya waxay sheegeen inay weli wadaan Hawlgalo lag baadi-goobayo Askarta maqan, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay Jabhadda Maawistaha nolol ku kaxaysteen.

Kooxda Gooni-goosad-doonka ee Mawistaha Shuuciga ee Hindiya (The Communist Party of India) waxaa la asaasay bishii May 18-dii ee sanadkii 1967-dii, waxayna u dagaalamayaan in Dowlad Shuuci ah la wareegto Talada dalkaasi iyo inay Gobalkooda u helaan Madax-bannaani dheeraad ah.

W/Q: Ustaad Nuradin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor