Weerar ku bilowday Qarax oo lagu qaaday Hotel ku yaal Kismaayo & Dabley gudaha u gashay

Qarax Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa waxaa lagu weeraray Hotelka Tawakal oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Qarax ayaa waxaa xigay rasaas xooggan oo aaga qaraxu ka dhacay is qabsatay, isla markaana waxaa hotelka Tawakal gudaha u galay dabley hubeysan, kuwaasi oo hotelka ka dhex dagaalamaya, waxaana la maqlayaa rasaas xooggan oo dhaceysa.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay magaalada Kismaayo, Ciidamo farabadan oo kamid ah kuwa ammaanka Maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor