Booliska waddanka Austria ayaa weli waxa uu baadigoobayaa ugu yaraan hal qof oo eedaysane ah kaddib markii dhowr toogasho ay ka dhacday bartamaha magaalada Vienna ee caasimadda waddankaasi.
Laba qof ayaa dhimatay 14 qof oo kalana waxaa lagu dabiibay isbitaalka kaddib markii dhowr nin oo hoobiyaal watay ay rasaas ku fureen lix goobood oo kala duwan.
Weerrarada ayaa waxa ay bilowdeen abaare 8-dii fiidnimo ee xalay kaddib markii nin aad u hubaysan uu rasaas ku furay dad bartamaha magaalada Vienna ku qaxwaynayay, gaar ahaan meesha loo yaqaan Bermuda Triangle.
Dad badan ayaa xilligaas marayay waddooyinka oo waxa ay ku raaxaysanayeen habeenkii ugu dambeeyay ee isu socodka uu furan yahay ka hor inta aanay bilaaban xayiraadaha la soo rogayo fayraska korona awadii.