Xildhibaanada Baarlmaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maanta kulankii labaad ku yeelanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Kulankaas ayaa waxaa khudbado ka jeedin doona Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen oo ay ku tartamayaan Musharixiin dhowr ah. Kuwaasi oo shalay la diiwaan-geliyay.
Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa waxaa u tartamaya laba Musharax oo kala ah Cabdixakin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Maxamed Maxamuud Ibraahin Goodir, halka Guddoomiye ku-xigeenka koowaad u taagan yihiin laba Musharax oo kala ah Siraaji Sheikh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame.
Sidoo kale xilka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Hirshabeelle ayaa waxaa ku tartamaya Musharixiinta kala ah Mahad Hassan Osman iyo Marwo Canab Axmed Ciise oo horey u soo noqotay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Maamulkaas.
Doorashada Guddoomiyaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo labadiisa ku-xigeen ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri ay ka dhacdo Magaalada Jowhar, waxaana socda ololihii ugu dambeeyay ee Doorashada.