Weerar ka dhacay Boosaaso & dhimasho iyo dhaawac ka dhashay

Ugu yaraan hal qof ayaa dhintay labo kalana waa ay dhawaacmeen kadib markii rag hubeysan ay rasaasku fureen tahriibayaal u dhashay dalka itoobiya oo marayay bartamaha suuqa weyn ee magaalada  Boosaaso habenimadii xalay

Ninka dhintay iyo kuwa dhaacmay ayaa lagu soo waramayaa in ay Boosaaso ujoogeen  inay ka tahriibaan iyagoo ku sii jeeday  Jasiiradaha Carabta waxayna u dhasheen dalka ithoobiya

Sarkaal katirsan Maamulka puntland ayaa sheegay in ragii weerarkaasi geystay  ay baxsadeen haatana ay baaritaano wadaan .

Ma ahan markii ugu horeysay tahriibayaal u dhashay dalka itoobiya lagu weeraro Boosaaso horaantii Bishii Oktobar ee sanadkii 2018 isla Boosaaso waxaa lagu dilay sedax qof oo  itoobiyaan ahaa oo doonayay inay tahriibaan.

Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu amniga xun Puntland,waxaana inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysto Ciidamada iyo dadka xilalka ka haya Maamulkaas,iyada oo dilalkaas ay sheegtaan Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor