Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow qarax bambaano uu ka dhacay Magaladaas.
Qaraxa ayaa dad ku sugan Boosaaso waxa ay sheegeen in uu yahay bam gacmeed Caawa lagu weeraray Xarunta Dowladda Hoose ee Magalada Boosaaso.
khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa waxaa lagu sheegay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca laba kale,waxana dadka dhintay u badan Ilaalada Xarunta Dowladda Hoose ee Magalada Boosaaso.
Qarax kadib waxaa la maqlayay Rasaas is daba joog ah oo hal dhinac ka dhacaysay,taa soo la sheegay inay ridayeen qaar ka mid ah ilaalada Xarunta.
Xaalada Magalada Boosaaso ayaa Caawa kacsan,waxaana Xarunta la geeyay Ciidamo farabadna oo ka tirsan kuwa Booliska Puntland.
Wararka kusoo kordha kala socda Radiodalsan.com