Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay amar ku socda “dadka ajnabiga ah ee aan haysan sharciga dalka”, kaas oo ku amraya inay ka baxaan gudaha saddex maalmood ah.
Amarka ayaa dhaqan galaya maanta oo ay taariikhdu tahay 30-ka Abriil, waxaana dadkaasi laga doonayaa inay dalka isaga baxaan ugu dambeyn 2-da Maajo.
Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaan lagu caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankan, hase yeeshee waxaa laamaha amniga lagu wargeliyay inay si buuxda u fuliyaan amarka.
Somaliland waxaa ku nool dad kasoo jeeda gobollada kale ee Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta, kuwaas oo maamulka Somaliland u arko inay yihiin ajaanib.
Sidoo kale, waxaa jira dad Itoobiyaan ah oo aan heysan wax dukumenti ah, kuwaasoo ka soo gudbay xuduudda una soo tallaabay gudaha Somaliland.
Ma aha markii ugu horreysay ee Somaliland ay soo saarto amar noocan ah oo lagu tarxiilayo dadka aan heysan sharciga dalka.