Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Baay

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay fiidkii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay dalsan u sheegeen in dagaal socday mudo ku dhow hal saac uu ka dhacay degmada qaxsax-dheere,isla markaana uu jiro khasaaro labada dhinac ka soo gaarey dagaalkaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarka ay ku soo qaadeen,sidoo kalena ay wadaan howlgal ay uga tabatagayaan raggii Al-Shabaab ka tirsanaa ee soo weeraray.

Wararka aan heleyno ayaa  waxa ay sheegayaan in weerarkaas ay ku geeriyoodeen laba askari oo ka tirsan ciidamada koonfur Galbeed halka mid kale uu ku dhaawacmay,waxaana haatan xaalad deganaansho ah laga dareemayaa goobtii lagu dagaalamay.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa Al-Shabaab waxa ay kordhiyeen weerarada ay ka geysanayaan deegaanada maamulka koonfur Galbeed,waxaana sidoo kale barbar socda howlgallo amni xaqiijin ah oo ay wadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor