Webiga Shabeelle oo Fatahaad ka sameeyay deegaano iyo waddo xirantay

Wararka aan ka heleyno deegaano hoostega Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in habeenkii xalay aheyd uu halkaas fatahaad ka sameeyay Webiga Shabeelle.

Deegaanada uu fatahaada ka sameeyay Webiga Shabeelle ayaa waxaa kamid ah Moyko iyo Baareey oo Caasimadda Hirshabeelle ka kala xiga dhinaca Koofur Bari iyo Waqooyi Bari halkaas oo degan yihiin dad farabadan.

Sidoo kale Webiga oo saacadihii lasoo dhaafay ku fatahay deegaanka Baarey ayaa sabababy inay deegaankaas ka barakacaan qoysas badan oo deganaa, kadib markii guryihii ay deganaayeen biyo galeen.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in fatahaada Webiga uu ka sameeyay Moyko ay biraha xireen wadada isku xirta Magaalada Jowhar iyo Muqdisho, waxaana sidoo kalena uu saameeyay guryo iyo goobo Ganacs oo ku yaalla halkaas.

Maamulka Hirshabeelle ayaa xiligaan wada dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in lagu xiro biyaha fatahada webiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoona ay weli jirto cabsi la xiriirta fatahaad kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor