Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 30 January 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Madaxda Dowladda oo ku heshiisay Hannaanka doorashada 2016 iyo Golaha Wasiirada oo ansixiyey, Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo Dhiirigeliyey barnaamijka Qorshaha iyo Siyaasada kala duwanaanshaha Noolaha, Ciidanka Dowladda oo howlgal ka sameeyey Ceelasha Biyaha ka dib amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee dhacdadii Liido ka dib, Bannaanbax looga soo horjeedo falalka argagaxisada oo Muqdisho ka dhacay, Ciidanka Dowladda oo daawo gaarsiiyey ciidanka deegaanada howlgalka ka wada, Ciidanka Xooga Dalka oo Taageero ka helay Ciidanka Sweden, Iskuul loo diyaariyey Qaxootiga Yemen ee ku sugan Muqdisho, Ciidanka XDS oo howlgallo ka sameeyey Jowhar iyo 7 Al-Shabaab ah oo lagu dilay howlgallo .

Madaxda Dowladda oo ku heshiiay Hannaanka doorashada 2016 iyo Golaha Wasiirada oo ansixiyey

Madaxda Dowladda Federaalka oo muddo waday wadatashiyo ay la yeelanayeen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo beesha caalamka ayaa 27kii Janaayo 2016 soo saaray go’aan ku aadan Hannaanka Doorashada 2016ka. Ka dbina Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa 28kii Janaayo 2016 shirkoodii caadiga ahaa lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016. Go’aanka ayaa ahaa:
AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:
• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.
• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.
• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).
AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:
• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhisi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.
• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.
• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.
• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hada jira iyo kuwa samaysmaya aya soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga Doorashooyinka 2016ka.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo dhiirigeliyey barnaamijka Qorshaha iyo Siyaasada kala duwanaanshaha Noolaha

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in samaynta Qorshahan iyo Siyaasaddan kala duwanaanshaha Noolaha lagala tashaday dhammaan Wasaaradaha ay khuseyso ee Maamullada Somaliland, Puntland iyo Maamul Goboleedyada kale ee dalka. Siyaasadan waxay ka kooban tahay qodobo muhiim ah oo ku dhisan aragti ku aadan ilaa 2050-ka oo saameyn ku leh Nolosha Dadka Soomaaliyeed maadaama boqolkiiba todobaatan ay ka faa’iideystaan waxyaabaha ay siyaasadani Xoogga saarayso, waxaana ugu muhiimsan Nolosha Xoolaha, Beeraha, Kaluumaysiga IWM. Shan Boqol oo nooc oo Dhir ah ayaa laga helaa Soomaaliya, sidoo kale kun iyo laba boqol oo Xayawaan kala duwan ayaa hodan ku ah dalka, dhawr boqol oo nooc oo kalluun ah ayaa xeebaha laga helaa, waxaa kale oo muhiim ah in la ilaaliyo xayawaanka sii dabar go’aya sida Gumburiga, Goodirka iyo noocyo ka mida Sagaarada.

Ciidanka Dowladda oo howlgal ka sameeyey Ceelasha Biyaha ka dib amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee dhacdadii Liido ka dib

Ciidamada Hey’adda Amniga oo fulinaya amarkii Ra’iisul Wasaaraha ka dib dhacdadii Liido ee ahaa in ammaanka la sugo ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho 29kii Janaayo 2016, halkaasi oo ay ku dileen mid ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab. Howlgalka ayaa ahaa mid qorsheysan oo ay ciidamada ku bartilmaameedsanayeen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana intii uu howlgalka socday ay ciidamadu toogasho ku dileen mid ka mid ah argagixisada Al-shabaab o ka dhago adeegay in uu ciidamada isku dhiibo, iyadoo uu halkaasi ku geeriyooday hal askari oo ciidanka ka tirsan. Ciidamadu waxa ay howlgalka ku soo qabtaeen rag lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab iyo hub ay heysteen.

Bannaanbax looga soo horjeedo falalka argagaxisada oo Muqdisho ka dhacay

Boqolaal kamid ah dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho, ayaa 28kii Janaayo 2016 isugu soo baxay fagaare ku yaala xeebta Liido, halkaas oo dhowaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ku xasuuqeen muwaadiniin Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan. Ujeedada isu soo baxan ayaa ahaa in loo duceeyo dadkii dhowaan halkaasi lagu laayay, iyadoo dadweynaha ka qeybgalay dibad baxa ay wateen boorar ay ku qoran yihiin sida ay uga xun yihiin dhibaatada ay wadaan kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin uu kamid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dadweynaha kala qeybgalay dibad baxan. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in xilligan la joogo gabagabedii kooxda Al-Shabaab maadaama shacabka Soomaaliyeed ay ka soo horjeesteen ficiladooda guracan. Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya isla markaana kamid ahaa mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ayaa shacabka ugu baaqay in ay isku duubnaadaan si looga adkaado kooxdan dhiig cabka ah.

Ciidanka Dowladda oo daawo gaarsiiyey ciidanka deegaanadWAX1 WAX4 WAX3 WAX2 WAX6 WAX10 WAX5 WAX9 WAX8 WAX7

DHAMAAD 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor