• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Friday, June 20, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
January 16, 2016
in Warar
Reading Time: 10 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mogadishu, 16 January 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo furay Shirka Istraatejiyada Warbaahinta Dalka, Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka, Ciidanka Xooga oo howlgalo ka sameeyey degmada Maxaas, Shirka Madasha Wadatashiga oo Kismaayo ka furmay, Madaxweynaha oo furay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe, Cutubyada Dastuurka KMG ah oo dib u eegis lagu sameeyey, iyo Xeerka Saxaafada oo dhaqangalay kadib Madaxweynaha oo saxiixay dikreetada.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka oo furay Shirka Istraatejiyada Warbaahinta Dalka

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa si rasmi ah 11kii Janaayo 2016 Muqdisho uga furay Shirka Istraatejiyada Warbaahinta Dalka oo uu ku tilmaamay tallaabo wanaagsan oo lagu horumarinayo Warbaahinta Dalka. Shirka Istraatejiyada Warbaahinta Soomaaliya oo ka dhacay Jazeera Palace Hotel ee Muqdisho 11kii iyo 12kii Janaayo 2016. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye), Wasiir Ku-xigeenka Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble, Wasiirka Warfaafinta Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Maxamuud Xasan Soocadde, Wasiirka Warfaafinta Konfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Cabdi Maxamed, Wasiirka Warfaafinta GalMudug Maxamuud Aden Cismaan, Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wakiilo ka socda Dowlad Goboleedka Jubbaland, Gobolada Banadir, Hiiraan iyo Sh/dhexe, Xoghayaha Guud ee NUSOJ Mohamed Ibrahim Pakistan, Wakiilo ka socda ururadda Network 13, SIMHA, MAP, iyo Madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo wakiilo ka socda dawladdo ay ka mid yihiin Safiirka Sweden Mikeal Lindvall iyo Hay’ado ay ka mid yihiin IMS/FOJO, SMSG, UNSOM, InterNews iyo kuwo kale. Kulanka waxaa soo abaabulay Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka iyadoo la kaashatay Wasaaradaha Dowlad Goboleedyada, waxaana shirka taageeray Hay’ada IMS/Fojo iyo UNESCO oo si xoog leh ula shaqeeyey Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Kulanka ayaa laga soo saaray Istraatejiyada Warbaahinta Qaranka ee Soomaaliya oo la isku raacay in laga wada shaqeeyo dhaqangelinteeda. Sidoo kale waxaa la soo dhoweeyey Xeerka Saxaafadda laguna ballamay in la dhaqangeliyo Xeerka.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka

Golaha Wasiirada ayaa 14kii Janaayo 2016 ansixiyey Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka. Ujeeddada loo abuuray xeerkani waxay tahay sidii macluumaadka khuseeya heshiisyadii iyo wixii la mid ah ee ay shirkaduhu horey u haysteen loo diiwaangelin lahaa si loogu aqoonsado xaqa ay u leeyihiin inay ka fuliyaan howlaha la xiriira shidaalka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS). Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxaa ka maqan nuqalidii heshiisyadii hore loola galay shirkadaha shidaalka ee xaqa u siinaya in ay ka howl galaan JFS. Si loo aruuriyo xogta lagama maarmaanka u ah maamulidda heshiisyadaas, ayaa waxaa Golaha Wasiirada ay ansixiyeenna Xeerka Diiwaangelinta Shidaalka taasoo ay maamulayso Wasaaradda Batroolka and Macdanta. Shirkadaha waxaa sida ugu dhaqsiyaha badan looga codsan doonaa inay soo gudbiyaan cadeymaha muujinaya xaqooqda shidaal ee ay lee yihiin.

Ciidanka Xooga oo howlgalo ka sameeyey degmada Maxaas

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa 14kii Janaayo 2016 howlgalo ka sameeyay deegaano ka tirsan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana howlgalkaasi lagu diley afar ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka. Howlgalka, ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa dad iskood isku abaabuley oo ah dadka deegaanka, kadib markii ay ka dhiidhiyeen dhibaatada joogtada ah oo Al-Shabaab ay u geysanayaan dadka shacabka ah. Dadka deegaanada ayaa si weyn u soo dhaweeyay, waxayna sheegeen in ay kaga nafisayaan dhibaatada Al-shabaab. Saraakiisha Ciidanka Xooga Dalka, ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalada noocaan ah si maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah looga dulqaado shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobahaasi.

Shirka Madasha Wadatashiga oo Kismaayo ka furmay

Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa 14kii Janaayo 2016 waxaa ka furmey Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka. Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Ra’iisulwasaaraha dalka, madaxweyniyaasha Jubaland, Koonfur-Galbeed, Puntland iyo Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa shirkan furitaankiisa goob joog ka ah. Furitaanka shirka, ayaa mas’uuliyiinta ka hadashay waxaa ay sheegeen sida ay muhiim u tahay in ay madaxda Soomaalida ay soo saaraan wax ay isku raacsan yihiin isla markaana keeni kara hab lagu mideysan yahay oo sheegaya qaabka doorasho ee dalka lagu qaban doono.

Madaxweynaha oo furay Shirka Maamul u sameynta Hiiraan & Sh/Dhexe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12kii Janaayo 2016 si rasmi ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe uga furay shirka maamul u sameynta shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Munaasabadda Furitaanka shirkaasi ayaa waxaa ku sugnaa ergooyin matalaya labada gobol, siyaasiyiin, aqoonyahano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulada shabeelaha dhexe iyo Hiiraan, Xildhibaanno, wasiiro iyo marti sharaf kale. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka shirkaasi ayaa sheegay in ay muhiim tahay dhisida maamul loo sameeyo gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxaana uu ugu baaqay Odayaasha labada gobol in ay xoojiyaan islamarkaana ay dar dar galiyaan dhisida maamulka. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa balan qaaday in dowlada ay ka shaqeyneyso sidii loo dhameystiri lahaa dhisida maamulka labada gobol ayna fududeyneyso wax walbo oo fududeyneya dhismaha maamulka.

Cutubyada Dastuurka KMG ah oo dib u eegis lagu sameeyey

Guddiyada dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameeyay 10 cutub oo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka, kaddib kulan ay ku yeesheen magaalada Nairobi, iyadoo kulankaasna uu soo xiray Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kaddib kulan howleed muddo laba todobaad ah uga socday magaalada Nairobi ee xarrunta wadanka Kenya ayaa xubnaha guddiga dastuurka madaxa banaan iyo kan baarlamaanka Somalia ayaa dib u eegis loogu sameeyay ilaa 10 Cutub oo ku jira dastuurka qabyada ah ee dalka. Kulanka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda dastuurka ee dalka ayaa gabagabediisa waxaa ka soo qeybgalay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia mudane Jeylaani Nuur Iikaar, Wasiirka Dastuurka ee XFS mudane Xuseen Maxamuuud Sheekh Xuseen iyo safiirka DFS u fadhiya dalka Kenya amb Jamaal Maxamed Xasan. Dastuurka KMG ah ee Dalka ayaa ka kooban ilaa iyo 15 cutub, waxaana la rajeymayaa in la dhasmeytiro kahor inta uu dhamaan mudada xilka Dowlada hadda jirta.

Xeerka Saxaafada oo dhaqangalay kadib Madaxweynaha oo saxiixay dikreetada

Madaxweynaha Jamnhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 9kii Janaayo 2016 saxiixay Sharciga Saxaafadda dalka ee uu Golaha Shacabka Soomaaliyeed horey u ansixiyey. Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) ayaa 12kii Janaayo sheegay in faafinta rasmiga ah lagu faafiyo oo uu sharciga yahay mid si rasmi ah uga dhaqangelaya dalka oo dhan. Waa markii ugu horreysey oo ay Soomaaliya yeelato Xeer Saxaafadeed iyadoo uu xeerkan soo maray marxalado kala duwan. 1dii September 2014 ayaa Golaha Wasiirada ay ansixiyeen xeerka, iyadoo Wasaarada Warfaafinta ay ka hor sameysay guddi soo diyaariya oo ay ku jireen suxufiyiinta madaxabannaan iyadoo weliba la sameeyo la tashiyo ballaaran oo gobollada qaarkoood laga qeybgeliyey talada Xeerka. Sidoo kale Wasaarada ayaa la tashatay hay’adaha caalamiga ah iyo khuburo caalami ah si xeerku u nqodo mid caalami ah. Wasaarada Warfaafinta Dowladda Federaalka ayaa bilaabi doonta dhaqangelinta xeerka dhowaan.

WQB WQBQ WXQ 003 WQB4 WQB3 WQB2 WQB6 WQB WQB5

DHAMAAD 
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected] 

Previous Post

Ciiddanka Ammaanka ee dalka Burkiino Faaso oo soo af-jaray Hotelkii dadka lagu afduubtay.

Next Post

Boliska Kenya oo ka digay weeraro cusub oo ay Alshabaab ka geystaan gudaha dalkaasi.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Waxaa maanta si rasmi ah lagu soo xiray Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee uu furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saddex haween ah ay ku dhaawacmeen weerar ay geysteen maleeshiyaad hubeysan...

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in xiisadda militari ee u dhexeysa Iran iyo Israa’iil...

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

by Ilhaan
June 19, 2025
0

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha...

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
Warar

Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
Warar

Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya
Warar

Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

June 19, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa Barre oo Shirka Wadatashiga Qaran Si Rasmi ah Ugu Soo Biiray

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan
Warar

Shirka Wadatashiga Qaranka oo Galay Maalintiisa Labaad Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Jiraan

June 17, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Shirka Wadatashiga Qaranka oo Lagu Soo Gabagabeeyay Muqdisho iyadoo Laga Sugayo Warmurtiyeed Rasmi ah
  • Saddex Haween ah oo Ku Dhaawacmay Weerar Ka Dhacay Deegaanka Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud
  • Dagaalka u Dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo Sii Xoogeystay
  • Danjire Yuusuf Jeego oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Aljeeriya

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00