9 bilood kadib, waxaa maanta dib loo furay Jamaacadda Garissa oo xirnayd tan iyo markii ay Alshabaab weerareen bishii April 2-dii ee sannadkii hore, laguna dilay 148 qof oo u badnaa Arday.
Fasalladda Jaamacadda Garissa ayaa waxaa maanta soo xaadiray 145 Arday oo Kharajka Jaamacadda laga bixiyey, iyadoo 9 ka mid ah Ardaydaasi ay ka yimaadeen Goballaddda ka baxsan W/bari Kenya.
Guddoomiyaha Hay’adda Maraykanka ee lagu magacaabo “Open Doorsâ€, David Curry ayaa sheegay inuu war weyn yahay in Jaamacadda Gariisa dib uga bilaabantay Waxbarashadda.
Dhinaca kale, Furitaanka Jaamacadda Garissa ayaa ku soo beegantay iyadoo Maxkamad la soo tagaay 5 nin oo lala xiriirinayo inay ku lug lahaayeen Weerarkii Alshabaab ku soo qaadeen Jamaacadda Garissa sannadkii hore.
©Radio Dalsan