Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Khaled Omar Ali ayaa maanta ku qaabilay Xafiiskiisa Ergey gaar ah oo ka socda Madasha Iskaashiga China-Africa ( Focac) H.E. Mr. Liu Guijin oo ay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda , ammaanka iyo fulinta mashaariic horumarineed . Kulankan oo ay ka wada qeybgaleen Saraakiil ka kala tirsan Wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Qorsheynta , halka dhanka China ay goob-joog ahaayeen Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka China u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mr. Wei Hongtian iyo diblomaasiyiin kale . Mr. Liu Guijin ayaa sheegay inuu Soomaaliya u yimid inuu arko horumarka ka jira , kalana hadlo dowladda Soomaaliya arrimaha ammaanka , horumarinta iyo iskaashi wadajir ah oo balaaran oo labada dal ay yeeshaan . Dhankiisa, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay qorsheyneyso sidii ay u heli laheyd deeqaha horumarinta Dowladda China ay siiso Wadamada Africa , si loo fududeeyo howlaha dib u dhiska , maalgashiga iyo wax wadaaga labada shacab ee Somaaliya iyo China . Mudane, Khaled Omar Ali ayaa xusay in “ Focac†sanad waliba ay sameyso qoondo lacageed oo lagu horumariyo Africa , Soomaaliyana ay baahi weyn u qabto helidda qeybta ay ku leedahay barnaamijkaasi wax ku oolka ah , isagoo cadeeyay in Dowladda China ay dalka ka fulin doonto qorshe balaaran oo dib loogu dhisi doono , laguna dayactiri doono dhismayaal iyo waddooyin . Wasiiru dowlaha , wuxuu tilmaamay in China ay tahay dowlad saaxiib la ah Soomaaliya , xiriir qoto dheerna ay leeyihiin labada dal , waxa uu yiri “ Soomaaliya oo ah dal hodan ah oo leh dhul bacrisan oo ku haboon beerashada iyo kheyraad dihan oo dhex ceegaaga badda iyo beriga , ayaa waxaanu dooneynaa inaanu helno qaab kheyraadkaasi lagu heli karo , loogana faa’ideyn karo dalka iyo dadka Soomaaliyeedâ€. Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda |