Wararka aan ka heleyno Magalada Hargeysa ee Soomaaliland ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Soomaaliland ay gacanta ku dhigeen Xubno sar sare oo la sheegay in ay ka mid ahaayeen Xukuumaddii uu hoggaaminayey Madaxweynihii xilka ka tegay ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Xubnaha Sar sare ee Hargeysa lagu qabtay ayaa waxaa ka mid ah sida ay dalsan u xaqiijiyeen Illo xog-ogaal ah Wasiirka Waxbarashada dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Ibraahim Aadan Mahad iyo Wasiirka Caddaaladda Cabdi Jaamac,kuwaas oo Hargeysa ka soo gala dhinaca xuduudka Wajaale.
Laamaha Amniga Soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in mas’uuliyiintaas ay si qarsoodi ah ku soo galeen Magalada Hargeysa,isla markaana xilligii la qabanayey ay ka dhoofayeen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa kuna soo jeedeen Magalada Muqdisho.
Ka hor inta aan la xirin ayaa Mas’uuliyiinta waxaa la weeydiiyey Aqoonsi balse ay sheegeen in ay yihiin Ganacsato xoolaha ka Ganacsada,waxana weli ka hadlin xarigaas madaxda ugu sareysa Maamulka Soomaaliland.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada Soomaaliland ku soo qul qulayay dad farabadan kuwaas oo ka soo cararay rabshadihii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.