Wasiirkii hore ee Batroolka ee Somalia oo dusha laga saaray Fadeexadda Lacageed ee Shirkadda Soma Oil and Gas

Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard ayaa soo bandhigay Nuqulka qoraal la sheegay inuu Wasiirkii Batroolka ee Somalia ku codsaday in la siiyo Taageero Dhaqaale sannadkii hore, taasi oo sababtay inuu Michael Howard bartanka ka galo Fadeexadda Taagan.

Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa magaalladda London ayaa  qoray inay arkeen nuqul ka mid ah Qoraalkaasi uu soo diray Wasiirkii Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Somalia, iyad oo ay Warqadaasi ku taariikheysnayd bishii March ee sannadkii 2014-kii.

Warbixinta Guddiga QM ee Cunaqabataynta saaran Somalia iyo Eritrea ayaa lagu xusay  jiritaanka qoraalkaasi oo Shirkadda Soma Oil and Gas looga codsaday  taageeradda dhaqaale oo lagu fulinayey dayactirka Xafiisyo, Mushaaraad iyo Kharajka La-talinta

Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard waxa uu Wareysiga uu siiyey Wargeyska The Financial Times ku muujiyey inuu saxiixay Qoraalkaasi si uu Heshiiska u sii socdo, wuxuuna sabab uga dhigay Doorka Dowladda Britain ee taageeridda Dowladda Somalia.

Warbixin ay Guddiga QM ee Kormeerka Xayiraadda Somalia iyo Eritrea soo saareen bishan August 3-dii, waxay ku sheegeen inay Shirkadda Soma Oil and Gas siiyeen Saraakiil ka tirsa Wasaaradda Batroolka Somalia lacag dhan 360,000 oo Dollar, oo ay Shirkaddu u bixisay si ay ugu guuleysato Qandaraaska Shidaalka iyo Gaaska looga baarayo Xeebaha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia.

Dowladda Federalka iyo Shirkadda Soma Oil and Gas waxay Bishii August ee sannadkii 2013-kii kala saxiixdeen Heshiiskaasi oo Shirkadda xuquuq u siinayo sahminta iyo soo-saarka  Shidaalka iyo Gaaska  Dabiiciga ee Xeebaha Somalia

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Shirka Soma Oil and Gas, Michael Howard waxa uu horey uga qeyb galay Shirweynihii Caalamiga ee Maalgashiga Somalia oo bishii May ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay magaalladda London, kana qeyb galay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud.

Xigasho: FT

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor