Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/ramaan Cimar Cusmaan “Eng. Yariisow†waxa uu maanta shaqo-ka-fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud ee Warfaafinta, C/risaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Warfaafinta.
Wasiir Yariisow waxa uu Bartiisa Facebook soo dhigay Qoraalka Shaqo Joojinta, waxayna u qornayd sidatan:-
“Waxaan maanta shaqo ka fariisin ku sameeyey Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Maamulka ee Wasaarada Warfaafinta, ka dib eedeymo la xiriira maamul-xumo iyo musuqmaasuq. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay inay si kasta ula dagaasho maamul xumada iyo musuqmaasuqa“ ayuu yiri Wasiirka oo bartiisa Facebook soo dhigay Qoraalkaasi.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta waxa uu si KMG xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ugu magacaabay Agaasimihii Wakaaladda Wararka SONNA Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Caddaala.
Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta ee XFS, Eng. C/ramaan Cimar Cusmaan “Eng. Yariisow† waxa uu Xilkii ka qaaday Agaasimeyaasha TV-ga Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho, wuxuuna magacaabay Agaasimayayaal.
Tallaabadan ayaa salka ku haya Go’aabkii DFS ee ahaa in wax laga qabto Falalka Musuqa ee ka dhex jira Hay’addaha Dowladda, kuwaasi oo ragaadiyey Dhaqankii Shaqo iyo Hab-raaca Nidaamka iyo Sharuucda dalka.
©Radio Dalsan