Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo gaaray Degmooyin ka tirsan Galgaduud

Wasiirka Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Cabdul qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxaa ay gaareen Magaalooyin ay Kamid yihiin Dhuusa Mareeb iyo Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha uu hogaaminayo Wasiirka ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaaladda Dhuusa Mareeb.

Wasiirka ayaa waxaa uu kulamo la qaatay Maamulka Degmadda iyo qeybaha Kala Duwan ee bulshadda Degmadaasi ku dhaqan.

Kulanka kadib ayaa Wasiirka gaashaandhiga  iyo Wafdigiisa Waxaa ay u dhaqaaqeen  degmadda Guriceel iyadoona la tilmaamayo inay booqan doonaan Dugsiga tababarada Ciidanka  ee Har-qaboobe iyo Xerada 21 aad.

Booqashada Wafdigan ayaa timid iyadoo maalmihii dambe Magaaladda Guriceel ay dhawr jeer kusoo laabteen dagaalo xoogan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor