Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa markii ugu horeeyay ka hadlay Shaqada Gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iyo tan Wasaaradiisa Saacado kadib markii ay sheegeen Gudigu in ay kalsoonidii kala laabteen.
Wasiir Xoosh ayaa sheegay in Shaqada Gudiga ay tahay in ay korjoogteeyaan gudiga Madaxa banaan ee Dastuurka isla markaana ay siiyaan qalalaadka Dastuurka ku jira si loo saxo sigaar ah qodobada qaar oo uu ka mid yahay dhanka qoraalka ah taasina ay isbedel ku sameeyaan.
Dhinaca kale Waxa uu ka hadlay Shaqada Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay,waxa uuna sheegay in ay xalin doonaan waxyaabaha u baahan in laga heshiiyo dhanka Siyaasada,kadibna loo gudbiyo Madaxda dalka iyo kuwa Maamul goboleedyada dalka ka jira.
Hadalka kas oo baxay Wasiirka Dastuurka ayaa ku soo aadaya xili xalay War qoraal ah oo ka soo baxay Gudiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya lagu sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Dastuurka Soomaaliya.