Wasiirka Beeraha Sacuudiga oo la kulmay Safiirka Somalia u jooga dalkaasi.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa shaacisay inuu Wasiirka Beeraha Sacuudiga, C/raxmaan Bin C/muxsin Alfadli uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Somalia u jooga Sacuudiga, Daahir Maxamuud Geelle.

Labada mas’uul waxay ka wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida ay labada dal isaga kaashan karaan dhinaca Beeraha.

Dowladda Sacuudiga ayaa danaynayso inay maalgashi ku sameeyaan dhul-beereedka Somalia, maadaama uu Somalia hodan ku yahay dhinaca Beeraha.

Dowladda Sacuudiga waxay dhawaan culays kala kulmeen Dowladda Ethiopia oo ku aadan muran ka yimid dhinaca dhul-beereed ay Sacuudiga maalgeliyeen.
©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor