Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Wakiilo heer sare ah oo ka socda safaaradda Norway

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay wakiilo heer sare ah oo ka socda safaaradda Norway ee Soomaaliya.

Wakiilada ka socday Safaaradda Norway ee Soomaaliya waxaa hogaaminayay Madaxa Safaarada Mr. Haakon Svane, waxaa looga wada hadlay Arrimaha Xasilinta, Dib-uheshiisiinta iyo Barnaamijyada horumarinta ee Dowlada Norway ay ka wado Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda Norway ka qaadatay Arrimaha Xasilinta iyo Dib-uheshiisiinta,dhismayaasha dawladaha hoose isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawlada Norway.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor