Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga dowladda Kenya Fred Matiangi, iyadoona lagu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya ayaa inta uu ku sugan yahay Muqdisho waxaa uu kulan la qaadan doonaa Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiir Fred Matiangi uu fariin ka sido Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta , taasi oo la xiriirta sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha Xuduudaha iyo xiriirka labada dal oo muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay.
Safarka Muqdisho uu ku yimid Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo maalmo kahor uu kulan Khadka Telefoonka dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta, iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo joojinta xiisadaha taagan.
Xiriirka u dhexeeysa dowladaha Soomaaliya iyo kenya ayaan wanaagsnayn, iyadoona ay xusid mudan tahay in dowlad walba ay tan kale ku eedeysay inay farogelin ku hayso Arrimaheeda gudaha.