Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta halkaas uu gaaro Wasiirka Arrimaha Gudaha dib u heshiisiinta dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Wasiir Sabriye ayaa markii uu gaaro Dhuusamareeb waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Hoggaanka Ahlusunna Waljameeca,isagoona ka hadli doona sidii ahlusuna loogu soo qori lahaa xubnaha ay rabaan in Guddiga Doorashada Galmudug loogu daro.
Sidoo kale kulanka ay wada qaadan doonaan Ahlusunna iyo dowladda,kadib ayaa waxaa la sheegay in Wasiir Sabrie dib ugu soo laaban doono Muqdisho,isla markaana uu dhawaaqi doono Xubanaha Cusub ee Guddiga Farsamaha ee maamul dhisida Galmudug.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa dhawaan waxaa lagu wadaa inay ka dhacdo Doorasho,taasi oo ay qaban-qaabineyso dowladda Federaalka Soomaaliya.