Wasiirka arrimaha dibadda Israel Yair Lapid oo maanta xarigga ka jaray safaaradda cusub ee dalkiisu ku yeelan doono Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu ballaan qaad nabadeed u muujiyay dalkii ay mar cadowga ahaayeen.
“Israel waxay dooneysaa inay nabad kula joogto deriskeeda – dhamaan dariskeeda. Meel aan u soconno ma jirto. Bariga Dhexe waa gurigeena,” ayuu yiri Lapid intii lagu guda jiray xafladii xarigga looga jarayay safaaradooda sida kumeel gaarka ah u shaqeyneysa ee Abu Dhabi.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, booqashada Yair Lapid uu ku joogoo Dubai oo ah mid labada maalmood ah, ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee wasiir ka tirsan xukuumadda Israel uu ku tago waddamada Khaliijka tan iyo markii ay labada dal xiriir wadayeesheen sanadkii hore.