Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa la kulmay James Swan, Wakiilka KMG ah ee Qaramada Midoobay, si loo xoojiyo wada shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, loogana wada hadlo arrimaha mudnaanta leh. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray doorka cusub ee Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, dadaallada lagu horumarinayo amniga, iyo wada hadallada Golaha Wada Tashiga Qaranka (NCC) ee dhexmara madaxda dowlad goboleedyada.
Swan ayaa ugu hambalyeeyay Danjire Fiqi iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya hirgelinta miishanka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), kaas oo la daah-furay 1-da Nofeembar. Wadahadalkoodu wuxuu xoogga saaray wejiga koowaad ee qorsheynta, iyada oo la xoojinayo isku xirka hawlaha Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, lana dejinayo khariidad wadashaqeyn oo mideysan si UNTMIS ay ula jaanqaado himilooyinka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ee ku aaddan nabadda iyo horumarka. Khariidadani waxay xoojin doontaa doorka hogaamineed ee Soomaaliya ee horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.
Danjire Fiqi ayaa sidoo kale uga warbixiyay Swan horumarka laga sameeyay wada-hadallada Ankara, isaga oo muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta habka doorasho ee qof iyo cod. Labada dhinac ayaa ku adkeystay muhiimadda iskaashiga joogtada ah si loo taageero horumarka Soomaaliya ee ku wajahan nabadda iyo maamul wanaagga dimuqraadiyadda.