• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, June 15, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Wasiirka amniga oo shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 27, 2022
in Warar, Wararka Idaacadda, XULKA WARARKA
Reading Time: 3 mins read
A A
Wasiirka amniga oo shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Amniga dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa shegay inuu xilkii ka qaaday taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), kadib markii uu “si bareeer ah iskugu dayay inuu hor is-taago doorashada guddoonka Golaha Shacabka” sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray wasiirku.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay taliya ciidamada inuu “si bareer ah ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka” waa sida ku xusan warqadda xilka qaadista taliyaha ee kasoo baxday wasiirka.

Hoos ka akhriso Go’aanka Wasiirka Amniga

Wasiirka Amniga Gudaha

Markuu garowsaday khatarta iyo xasilooni-darada dalku ku sugan yahay ee abuurtay hubanti la’aanta dhamaystirka doorashooyinka oo uu sabab u yahay Taliyaha Boliiska Soomaaliya

Markuu arkay in Taliyaha Ciidanka Boolisku si bareer ah uu iskugu dayay in uu u hor istaago doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee loo balansanyahay maanta oo ah 27 April 2022.

Markuu xaqiiqsaday in si bareer ah Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya ugu milmay arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka dalka asaga oo u adeegaya dano gaar ah.

Markuu helay xogo muujinaya in uu taliyuhu ku howlan yahay falal khatar ku ah bad qabka qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka iyo masuuliyiin sarsare oo xilala muhiim ah kahaya dalka,

Markii ay u cadaatay Wasiirka in talaabooyinka uu qaaday Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed ay noqon karaan dambiyo qaran oo u baahan in baaritaan uu ku sameeyo xeer-ilaaliyaha Maxkadamada Ciidamada Qalabka sida.

Waxaa uu xeeriyay Wasiirku

1-Waxaa shaqa joojin lagu sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 27 April 2022

2-Waxaa si KMG ah hogaanka Ciidanka Booliska usii wadaya Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

3- Wasiirku waxaa uu farayaa saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabadsugidda in ay ka fogaadaan kumilanka siyaasada gaar ahaan arimaha doorashooyinka una gutaan waajibaadkooda si dastuuri.

4- Wasiirka Amnigu waxaa ku wargelinayaa Guddoonka KMG ah ee Golaha Shacabka iyo xildhabaanada sharafta leh in ay u madaxbanaan yihiin goorta, Goobta qabashada doorashada Guddoonka Golaha.

Previous Post

Farmaajo oo ka hor yimid amarkii Rooble ee ku aaddanaa Ammaanka Teendhada Afisyooni

Next Post

Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 27/04/2022

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya
Warar

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare oo Si Rasmi ah uga Bilaabmay Soomaaliya

June 14, 2025
Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay
Warar

Iran oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Dukumeenti Nukliyeer ah oo Israel Leedahay

June 14, 2025
Next Post
Ingiiriska oo fariin hanjabaad u dirau Ruushka, xili weli ay taagan tahay xiisada Ukraine

Dhageyso:-Warka Subaxnimo Ee Radio Dalsan 27/04/2022

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Shirkii wadatashiga qaran ee uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dib u dhacay, inkasta oo lagu...

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Weerar gantaallo culus ah oo ay Iran saaka ku qaaday gudaha Israa’iil ayaa si weyn u dhaawacay xarunta cilmi-baarista ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay dadaallada ay dowladda dhexe wado si loo xalliyo khilaafaadka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

by Ilhaan
June 15, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Cumaan, Cumar Badr Albusaidi, oo ka mid ah masuuliyiinta dhexdhexaadinta wadahadallada nukliyeerka ee u dhexeeya...

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
Warar

Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
Caalamka

Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan
Caalamka

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

June 15, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security
English News

President Hassan Sheikh Officially Appoints Mahad Salad as New NISA Chief Amid Renewed Focus on National Security

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference
English News

Foreign-Sponsored Disinformation Drive Targets Somali Government’s Participation in International Conference

June 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Dib-udhac ku yimid shirkii Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh
  • Weerarro culus oo u dhexeeya Iran iyo Israa’iil oo cirka isku shareeray
  • Madaxweyne Xasan Sheekh: Dowladda Soomaaliya Weli Waxaa Ka Go’an Wadatashi Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Cumaan: Wareeggii Wadahadallada Nukliyeerka Maraykanka iyo Iiraan Ma Dhici Doonaan

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00